Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maantii labaad galay & Madaxda oo Amniga ka hadleysa.
Waxaa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada marka laga reebo DG Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uga socda Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed.
Maanta waxaa shirka looga hadlayaa Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ gaar ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland oo diyaargarow xooggan oo waday muddooyinkii dambe.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominaya shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa warbixinno ka dhageysanaya Madaxda Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug gaar ahaan deegaannada ‘AS’ Laga qabsaday.
Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixinaya diyaargarowga & sida ay u qorsheeyeen howlgallada ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaannada ‘AS’ gacanta ku hayaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa marar kala duwan sheegay in Ciidanka Federaalka, kuwa Dowlad-Goboleedyada oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah ay ka go’an tahay sidii ‘AS’ looga qabsan lahaa deegaannada ay joogaan.
La soco wixii kasoo kordha.