Shil Sababay dhimashada labo ruux oo ka dhacay Degmada Sheekh.

0
176

Shil gaari oo sababay dhimashada labo wiil oo kamid ah Dhalinyarada isticmaasha Baraha Bulshada ayaa ka dhacay Degmada Sheekh ee Gobolka Waqooyi-Galbeed balse Somaliland ay u bixisay Gobolka Saaxil.

Labada Wiil ee dhimatay ayaa lagu kala magacaabaa Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir waxa ay muuqaal duube u ahaayeen Waqal Studio oo ah Kanaal Youtube oo inta badan lasoo dhigo suugaanta.

Gaariga ay la socdeen labada Marxuum waxaa ku dhaawacmay qof saddexaad oo la saarnaa kaas oo la dhigay Isbitaal si loo daweeyo sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo Warbaahinta uga xog-warramay Shirkaan.

Xawaare sare ayuu ku socday Gaariga ay la socdeen dhalinyarada dhimatay & kan dhaawaca soo gaaray waxaana markii uu shilka galay gudbtay Gaarigii oo markii dambe ay damiyeen dad gurmad u sameeyay.

Deegaannada Somaliland waxaa tira-beel ka noqday tirinta shilalka ka dhaca iyada oo loo sababeeyo Gawaarida oo si xad-dhaaf ah loo kaxeeyo, wadayaasha oo ay ku yar tahay khibradda iyo ciidanka Ilaalada nabadgalyada Waddooyinka oo aanay halkaas joojin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here