Shil diyaaradeed oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

0
32

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

Ugu yaraan 96 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen kadib markii diyaarad Kuuriyada Koofureed ah ku burburtay garoon diyaaradeed. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 47 rag ah, 48 dumar ah, iyo hal cunug.

Labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa laga soo saaray goobta shilka iyagoo nool, laakiin kooxaha gurmadka ayaa sheegay inay yar tahay rajada lagu heli karo dad kale oo nool.

Duulimaadka Jeju Air ee 7C 2216 oo ka yimid Bangkok ayaa siday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah.

Shilka waxaa sababay cilad ku timid taayirrada diyaaradda xilliga soo degista, waxaana muuqaallo laga duubay shilka lagu arkay diyaaradda oo ku socota xawaare sare iyadoo caloosheeda ku dul jiifsanaysa ilaa ay ku dhacdo hareeraha waddada oo ay qaraxdo.

Ma joojin karo ka fikirka rakaabka diyaaradaas saarnaa iyo waxa ay la kulmeen daqiiqadihii ugu dambeeyay. Bal qiyaas inaad dareento nasasho markaad garoonka diyaaradaha gaadhid, laakiin halis weyn oo aad la kulanto ilbidhiqsi kadib! Waligaa ma garan doontid maalintaada ugu dambaysa ee nolosha.