Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta oo shaqo joojin sameeyay & Duulimaadka maanta oo gebi ahaan joogsaday

0
52

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta oo shaqo joojin sameeyay & Duulimaadka maanta oo gebi ahaan joogsaday

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxa ay sheegayaan in maanta uu joogsaday duulimaadkii joogtada ahaa ee Jomo Kenyatta kaddib markii shaqaalihii ka shaqeynayay ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

Sababta keentay shaqo joojintaan waa in Dowladda Kenya heshiis la gashay Shirkad laga leeyahay Dalka Hindiya oo lagu magacaabo (Indian Adani Airport Holdings LTD) taas oo si rasmi ah u maamuli doonto Garoonka Jomo Kenyatta.

Waxaa maanta baaqday gebi ahaan duulimaadkii joogtada ahaa ee maalin weliba ka safri jiray kana soo degi jiray Garoonka Diyaaaradaha ugu weyn Kenya looguna magacdaray Madaxweynihii hore ee Dalkaas Jomo Kenyatta.

Warbaahinta Kenya ayaa aad u falanqeyneysa arrintaan, waxaa lasoo bandhigay Dad badan oo safar u ahaa meelo kala duwan balse u muuqda inay ka baaqdeen diyaaraddii ay tikitka ka heysteen oo aanay ku wargelin wax dib u dhac ah oo safarkooda ku yimid.

La soco wixii kasoo kordha