” Shacab iyo Dawladba la barbar istaago dadkaa dabku waxyeelleeyey hantidoodii.” Muuse Biixi

0
25

” Shacab iyo Dawladba la barbar istaago dadkaa dabku waxyeelleeyey hantidoodii.” Muuse Biixi

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku baaqay in lays garab taago dadka hantidooda ku waayay dabkii xalay ka-kacay suuqa Idaacadda ee Hargeysa.

“ Waxaan ka tacsiyeynayaa shacabkii ay hantidu kaga waxyeelowday dabkii xalay ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa. Waxaan Illaahay u waydiinayaa in uu cawil Khayr qaba ugu beddelo waxyeelladaa soo gaadhay hantidooda, waxaanan rajaynayaa in shacab iyo Dawladba la barbar istaago dadkaa dabku waxyeelleeyey hantidoodii.”