Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka Hotel Cas Casey ee Magaalada Kismaayo iyo Xildhibaano la soo badbaadiyay

0
537

Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka Hotel Cas Casey ee Magaalada Kismaayo iyo Xildhibaano la soo badbaadiyay

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hotel Cas Casey, oo ku yaala Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Qoraal ay Shabaabka ku baahiyeen warbaahinta afkooda ku hadashay ayay ku sheegteen masuuliyadda weerarkaasi, iyagoo ku faanay in ay la wareegeen gacan ku haynta hotelkaasi.

Hotelkan oo ku yaala agagaarka Aargada Kismaayo ayaa waxaa deganaa qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

Ciidamada Jubbaland oo gaaray hotelka ayaa dagaal kula jira maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab, waxaana goobtaasi laga maqlayaa rasaas iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Dhanka kale Ciidamada Jubbaland ayaa soo badbaadiyay laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Labada Xildhibaan ee la soo badbaadiyay ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Maxamed Cali (Caano nuug) iyo Senatar Iftiin Xasan Baasto.

Sidoo kale Ciidamada Jubbaland ayaa soo badbaadiyay dad badan oo rayid ah, oo hotelka ku sugnaa, ka hor intii aan la soo weerarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here