Saxafiyiinta Mareykanka oo bilaabaya kulan sanadle ah oo lagu xusayo Jamal Khashoggi

0
463

Saxafiyiinta Mareykanka oo bilaabaya kulan sanadle ah oo lagu xusayo Jamal Khashoggi

Waxaa lix bil ay ka soo wareegtay falkii foosha xumaa ee lagu qaarijiyay sanadkii hore wariye Jamal Khashoggi oo ka dhacay gudaha qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Gobolka Indiana oo dhaca dalka Mareykanka ayaa saxafiyiinta ku nool waxay hada sameynayaan xus sanad le ah kaasi oo ku saabsan sidii loo dilay wariye Jamal si xasuus ay u Noqoto.

Saxafigaan ayaa horay u dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee boqortooyada Sacuudiga iyadoo sanadkii 2017-laga masaafuriyay dalkiisa ka hor inta aan la dilin 2-dii bishii October ee sanadkii Hore.

Baaritaano badan ay dowlada Turkiga sameysay iyo wareysi lala yeeshay ehelada Jamal iyo gabadha uu guursan rabay ayaa muujinaya in dilkaan uu soo amray dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here