Salaad Cali Jeelle “Waxaa jira shaqsiyaad ka tirsan dowladda oo Al-Shabaab xogta u gudbiya”

0
630

Salaad Cali Jeelle “Waxaa jira shaqsiyaad ka tirsan dowladda oo Al-Shabaab xogta u gudbiya”

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta taageersan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad ka tirsan dowladda oo xogaha siiya Al-Shabaab.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qudheeda gudaha dowladda ku leedahay taageero iyo dad xog siiya, isagoo xusay in dowladda ay garawsatay inay qaado tallaabo sida uu yiri.

“Argagixisada waxay nafteeda gudaha dowladda ku leedahay taageero ay xog ku heli karaan, haddii ay yihiin dad heli kara xogaha oo amniga ka mid ah iyo kuwa macluumaadka heli kara”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo wareysi siiyay Raadiyaha Kulmiye.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay sameysay dadaal badan, isla markaana la soo xiray waddooyinka, haatan ay bilaabatay in la iska wareysto sababta Al-Shabaab ku soo gudbeen oo ay qaraxyo u sameeyaan”.

Salaad Jeelle ayaa caddeeyay in dad aan ammaanka khibrad u aheyn xilal loo dhiibay, loona baahan yahay dadka khibradaha leh howsha amniga loo xilsaaro.

Dhinaca kale waxaa uu ku dhaliilay Odayaasha dhaqanka inay gabeen kaalintooda kaga aadan ammaanka, isla markaana loo baahan yahay inay iska xoreeyaan Al-Shabaab deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin is bedelo loogu sameynayo laamaha ammaanka, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa loo xiray saraakiil iyo askar, halka shaqooyinka laga fariisiyay saraakiil ay Taliye kuxigeeno ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here