Saddex waxyaabood oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay WhatsApp

0
251

Saddex waxyaabood oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay WhatsApp

Shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa shaacisay inay soo kordhisay qaab cusub oo ay macaamiisheeda uga bixi karaan guruubyada lagu daro, iyadoo aan la dareemin.

Sidoo kale, shirkadda ayaa macaamiisheeda u sahashay inay xakameeyaan dadka arki kara marka ay khadka ku jiraan ama online-ka yihiin, iyo weliba in aan la sawiran karin (screenshot laga qaadan karin) farriimaha la isugu diro WhatsApp.

Mark Zuckerberg oo ah madaxa shirkadda Meta ayaa sheegay in waxyaabahan ay soo kordhiyeen ay ka dhigi doonaan WhatsApp “goob ammaan ah oo la mid ah in dadka ay si fool ka fool ah u wadahadlayaan”.

Hababkan cusub ayaa dhaqangeli doona bishan August, waxaana laga billaabi doonaa waddanka UK

Ka bax adigoo aan lagu fahmin

WhatsApp oo kamid ah hababka ugu caansan caalamka ee lagu wada xiriiro ayaa marka uu qofka ka baxo guruub lagu daray waxa ay farriin u dhacdaa xubnaha halkaa ku jira.

Fursadda ah in shakhsiyaadka iyagoo aan la fahmin ay ka baxaan guruubyada ayaa ah qaab cusub oo ay soo kordhisay WhatsApp.

Dad badan oo kamid ah kuwa hadda isticmaala WhatsApp ayaa sheegay inay ka xishoodaan ka bixitaanka guruubyada lagu daro, maadaama xubnaha ku jira halkaa ay arki karaan bixitaankooda.

Ami Vora oo kamid ah madaxda WhatsApp ayaa sheegtay in ujeedkoodu yahay sidii ay macaamiishooda u siin lahaayeen awood dheeraad ah oo ay ku xakameeyaan cidda hesha farriimaha ay diraan.

“Waxaan rumaysannahay in WhatsApp ay tahay aaladda ugu ammaan badan ee si gaar ah loogu sheekaysan karo. Ma jirto aalad caalami ah oo heerka ammaankeedu gaarsiisay halka ay hadda marayso WhatsApp,“ ayay tiri.

Isbedalka lagu sameeyay WhatsApp ayaa waxaa kamid ah in qofka uu dadka kale ka qarin karo joogitaankiisa online-ka ah.

Janis Wong oo ah cilmi-baare ka tirsan mac-hadka at The Alan Turing ayaa u sheegtay BBC in “markasta ay wanaagsan tahay in macaamiisha ay si buuxda u xakameyn karaan xogtooda,“

Waxaa se ay tilmaantay in ilaa isbedalka cusub ee lagu sameeyay WhatsApp ay si buuxda u fahmayaan ama loogu wargelinayo, ay yaraan doonto saameynta uu yeelan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here