Sacuudiga “Waxa aan dooneynaa Dowlad Falastiin leedahay oo Caasimaddeedu Qudus tahay”

0
20

Sacuudiga “Waxa aan dooneynaa Dowlad Falastiin leedahay oo Caasimaddeedu Qudus tahay”

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday go’aan kahor imaanaya kan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ah in aa in uu Magaalada Gaza la wareegayo kana salkicinayo Shacabka Dulman ee Falastiin.

Sacuudiga ayaa sheegay in uu taageerayo Dowlad Falastiin leedahay oo Caasimaddeedu tahay Qudus, waxaana Boqortooyadu riyo maalmeed ku tilmaamtay damaca Madaxweynaha Maraykanka Trump uu ku barakicinayo Shacabka Gaza.

Bayaan kasoo baxay Boqortooyada Carbeed ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in aanay xasiloonida Bariga dhexe ka tarjumeen hadallada ka dhanka ah Shacabka Gaza sidaas awgeed loo baahan yahay in loo istaago si looga hortago halis kale.

“Waxa aan dooneynaa Dowlad Falastiin leedahay oo Caasimaddeedu Qudus tahay, Sacuudiga waxa uu dhinac taagan yahay nabadda Bariga dhexe iyo horumarka taban ee lagu caawinayo Falastiin” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Sacuudi Carabiya.

Waxaa dhanka kale socda isbaheysi ay ku mideysan yihiin Turkiga, Masar iyo Dalal kale oo Carbeed kuwaas oo si cad uga hor imaanaya barakicinta Shacabka Magaalada Gaza oo nafis yar ka qaadanaya hubka Israa’iil ku garaaceysay tan iyo 7dii Oktoobar 2023.