Sacuudiga oo martigelinaya wadahadal fool ka fool ah oo maanta dhexmaraya dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan.

0
120

Sacuudiga oo martigelinaya wadahadal fool ka fool ah oo maanta dhexmaraya dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta martigelineysa wufuud kala metaleysa Ciidamada Militariga Suudaan iyo Ciidanka degdega ah ee loosoo gaabiyo RSF si ay uga wadaxaajoodaan dib usoo celinta xabbad-joojinta burburtay.

Dhinacyadaan ayaa kuwada hadlaya Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudiga sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan Boqortooyadaas iyo dhinacyada ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan.

Mareykanka ayaa garab istaag u muujiyay in ay wadahadlaan dhinacyada militari ee isku awoodda ah ee ku loolamaya maamulka Jamhuuriyadda Suudaan ee foodda is daray 15kii April 2023 halka Sacuudiga oo labada dhinac ugu baaqay in ay wadahadal mira-dhala yeeshaan.

Militariga & Ciidamada gaarka ah ee Dacmu-sariic waxaa kala hoggaaminaya Gen. Cabdifitaax Al-Burhaan iyo Gen. Daqalo waxaana loo diray baaqyo furan oo isku mid ah kana yimid dhinacyada ka welwelsan dagaallada ku dhexmaraya Suudaan.

Ajaanibtii ugu badneen ayaa todobaadyadii u dambeeyay laga daabulay Magaalada Khartuum ee Caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan halka si joogta ah dad badan ay isaga baxaan Magaaladaas iyaga oo gaaray Xuduudda waddamada deriska la ah Dalkaas.

Dagaalka tooska ah ee dhinacyadaan dhexmaraya waxaa intaas dheer cunno la’aan iyo biyo la’aan ka jirta Dalkaas, Qaramada Midoobay & Hay’adaha kala duwan ee gaarka ah oo ka walaacsan xaaladda qasan ee Waddankaas ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here