Sababtee loo xidhay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan

0
109

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan

ayaa Ciidamada qalabka sida ee dalkaas xiray xilli uu ka soo muuqday maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Islamabad, ka gadaal markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Imran khan oo hadda ku jira da’da 70-ka ayaa waxaa xiray wakiilo ka socda hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalkaas, iyada oo la arkayay muuqaalo laga soo duubay Ciidanka oo garba duub u wada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee Islamabad ayaa yiri, “Imran Khan waxaa lagu xiray kiiska Qaadir Trust,” sidoo kale sarkaalkaan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha lagu eedeeyay lacag wareejin.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray sannadkii hore, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan waxaa lagu soo oogay tobanaan eedeymo, kuwaas oo uu beeniyay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa November 3, 2022-ka laga dhaawacay lugta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.

Khan, oo 70 jir ah, ayaa hoggaaminayey dibadbax lagu tagayey magaalada caasimadda ah ee Islamabad oo lagu dalbanayo doorashado waqtigeeda kasoo hormarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here