Saacad uu xirnaa saxafiga Khashoggi oo fududeyneysa in lagu ogaado halka uu joogo

0
1196

Saacad uu xirnaa saxafiga Khashoggi oo fududeyneysa in lagu ogaado halka uu joogo

Saxafiga u dhashay Boqortooyada Sacudi Carabiya Jamal Khashoggi oo la’ yahay tan iyo labadii bishan kadib markii uu galay qunsuliyada Sacudi Carabiya ee ku taal magaalada Istanbul ayaa  la sheegayaa in  baaritaanada lagu raadinayo inay qeyb ka tahay saacad uu xirnaa saxafigan.

Saraakiil sarsare oo  Turkish ah ayaa  sheegay inay jirto saacad nooceedu yahay Apple oo uu xirnaa saxafigan xilligii uu galayay qunsuliyada,saacaduna waxa ay ku xirneyd  mobayl  uu dibada ugaga tegey khashoggi.

Mas’uul ka tirsan xukuumadda Turkiga ayaa sheegay in saraakiisha baaritaanada ku sameynaya halka uu ku dambeeyay saxafiga ay u tahay saldhigga baaritaankooda saacada uu xirnaa Khashoggi.

Aqoonyahano xagga aaladaha casriga ah ayaa la sheegay in ay baaritaano ku sameynayay halka uu ku dambeeyay Khashoggi iyadoo la sheegayo in saacadu ay kashifi karto inuu nool yahay iyo inkale Jamal Khashoggi.

Dowlada Turkiga ayaa aaminsan in la diley saxafiga kadibna jirkiisa la jarjaray waxayna ka dalabtay boqortoyada Sacudi Carabiya inay jawaab cad ka bixiso halka uu ku dambeeyay khashoggi.

Hase yeeshee Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegtay in aysan ka warheyn halka uu ku sugan yahay Jamal uuna ka baxay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Istanbul saacad kadib markii uu gudaha u galay.

Jamal Khashoggi ayaa ku qori jirey wargeyska caanka ah The Washington Post maqaalo uu ku dhaliilayo madaxda reer boqortooyada Sacudi Carabiya gaar ahaan farogelinta dagaalada Yemen iyo arrimo kaleba.

Khashoggi ayaa ku noolaa muddo sanad ah dalka Maraykanka isagoo halkaa u degey si uu afkaartiisa si xor  ah u qoro,hase yeeshee bishii May ee sanadkan ayuu kula kulmay gabar u dhalatay dalka Turkiga oo ka yar 23 sano Hatice Cengiz shir ka dhacay magaalada Istanbul.

Khashoggi iyo Cengiz ayaa waxa ay bishii August ku heshiiyeen inay is guursadaan ayna degaan dalka Turkiga.

Cengiz ayaa u sheegtay wargeyska Reuters in Jamal uu guri ka iibsaday Istanbul ayna gurigaa cusub qalabaynayeen iyagoo qorsheeytay in ay toddobaadkan aqal galaan.

Sababaha uu  aaday qunsuliyada Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ahayd in uu ka soo qaato dukuminti u oggolaanaya inuu guursan karo isagoo xaaskiisii hore furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here