RW Rooble Oo 35 Kun Oo Arday Maanta U Daah-Furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare

0
282

RW Rooble Oo 35 Kun Oo Arday Maanta U Daah-Furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare

Waxaa saaka Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada dalka marka laga reebo Puntland ka si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare, kaas oo ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha xilka kasii degaya ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare oo ay galayaan kummaan arday oo sanadkaan dhameystay Waxbarashada Dugsiga sare.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu aad uga faraxsan yahay inuu Ardayda Soomaaliyeed u daah-furo Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare, isagoona u rajeeyay guul ardayga galeysa Imtixaanka ay qaadeyso Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono ..

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Abuukar Carabn ayaa waxaa uu sheegay in sandkaan ay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ay u fariisteen 35 kun oo arday, oo dhammeystay Waxbarashada Dugsiga sare.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Imtixaanka shahaadiga dowladda uu ka bilowday Gobolka Banaadir iyo afar dowlad Goboleed oo kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, isagoona xusay in arday ugu badan ay ku galayaan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo tirro ahaan gaaraya 25 kun oo arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here