Ruushka Oo Lagu Eedeeyey Inuu Duqeeyeen Wershed Ku Shaqaysa Tamarta Nukliyeerka

0
241

Ruushka Oo Lagu Eedeeyey Inuu Duqeeyeen Wershed Ku Shaqaysa Tamarta Nukliyeerka

Dalka Ukraine ayaa ku eedeeyey dalka Ruushku inay duqeeyeen wershedda ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn qaaradda Yurub taas oo lagu magcaabo Zaporizhzhia, waxayna ku eedeeyeen in Moscow ay ku hawlan tahay “argagax gelin loo adeegsanayo Nukliyeerka”

Shirkadda tamarta Nukliyeerka ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku inay waxyeello u geysteen saddex walxood oo la socda heerka shucaaca ee wershedda ku shaqaysa tamarka Nukliyeerka ee Zaporizhzhia, ka dib weerarkii ay ciidamada Ruushku ku qaadeen wershedda habeenimadii Sabtida, waxaana goobtaas ku dhaawacmay mid ka mida shaqaalaha wershedda.

“In Ruushku uu u isticmaalo nukliyeerka, argagax gelin ama cabsi gelin, waxay u baahan tahay jawaab adag oo ka timaada beesha caalamka – oo ay ku jirto in cunaqabatay lagu soo rogo warshadaha Ruushka ee ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka iyo xattaa shidaalka nukliyeerka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here