Ruushka oo ka hortagey weerar duqeyn ah oo Ukraine ku soo qaaday

0
37
People gather at the bottom of a hotel, which has been partially destroyed by a Russian strike in the center of the Ukrainian capital, Kyiv on December 31, 2022. - Russian strikes targeted several regions of Ukraine, including the capital Kyiv, where the attacks killed at least one person and wounded several others, Ukrainian officials said. (Photo by Sergei SUPINSKY / AFP) (Photo by SERGEI SUPINSKY/AFP via Getty Images)

Ruushka oo ka hortagey weerar duqeyn ah oo Ukraine ku soo qaaday

 

Ruushka ayaa soo riday 125 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Warbixinta ayaa muujineysa in nidaamyada difaaca hawada ee Ukraine ay awood u yeesheen inay burburiyaan 67 ka mid ah diyaaradahaas gobolka Volgograd.

Guddoomiyaha gobolka, Andrey Bocharov, ayaa sheegay in 17 diyaaradood sidoo kale lagu burburiyey gobolka Belgorod, halka 17 kale ay ka dhacday gobolka Voronezh.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac balse aan laheyn tirade rasmiga ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa weerarkaasi ku eedeysay Ukraine, wallow aysan weli ka hadlin.