Roobabkii Gu’ga Oo Ka Curtay Qeybo Ka Mid Ah Gobollada Bari Ee Somaliland

0
485

Roobabkii Gu’ga Oo Ka Curtay Qeybo Ka Mid Ah Gobollada Bari Ee Somaliland

Hargeysa (Dalmar-News):- Saacadihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid gobollada bari ee Somaliland ay da’een roobabkii xilliga Gu’ga wakhti xaalad abaareed iyo biyo la’aan xooggani haysay goboladaasi.

Deegaamada ay roobabku ka curteen waxa ka mid ah deegaamo ku yaalla Gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Biyo la’aanta ugu darani ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaanay roobabkaasi ahaayeen kuwo lagu qabawsaday oo biyo dhig fiican kaga tagay dhulkii uu ku hooray.

Dhinaca dalkaasi Soomaaliya waxa iyana roobabka Gu’ga laga soo sheegayaa in ay ka da’een sida Gobolada Baay, Sh/hoose, Sh/dhexe, Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud sida ay warbaahinta u sheegeen dadka ku dhaqan deegaannadan.

Hore waxa Toddobaadkii hore ay roobab koobani uga da’een deegaamo ka tirsan Gobolka Gabiley ee Somaliland.

Roobabkan oo bilow ah si weynna dadku sugayeen ayaa ku soo beegmaya iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here