Ra’iisul Wasaarihii Dalka Bangladesh oo Is casishay

0
71

Ra’iisul Wasaarihii Dalka Bangladesh oo Is casishay

Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd Dalka Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay Xilkaas kaddib markii ay xooggeysteen dibadbaxyada ka dhanka ah Nidaamka Shaqaaleysiinta Dalkaas.

Xukuumaddii ay hoggaamineysay Hasina ayaa gacan-bidixeysay nidaamka shaqo Bixin kolkii fursadaha ugu badan ay siisay Dadka ehelkooda halganka usoo galay taasi oo dhalisay caro ficil isku rogtay oo Dad badan ay sameeyeen.

Hasina ayaa markii ay ku dhawaaqday in ay Xilka Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh iska casishay iyada iyo xubno kamid ah qoyskeeda Dalka ayay si degdeg ah uga baxeen maadaama cabsi xooggan ay ka muujisay in la dhibaateeyo.

Dalkaan dhaca Koofurta Qaaradda Aasiya waxaa maalmihii nasoo dhaafay ka dhacayay dibadbaxyo xooggan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti, fariimo loo diray Xukuumadda iyo Dadka Dibadbaxaya ayaa loogu baaqay in xaaladda la dejiyo.

Sheikh Hasina waxa ay ku dhalatay Tungipara 28kii September sanadkii 1947dii, bisha soo socota ayay galaysaa sanadkeedii 77aad, waxaa indhaha lala raacayaa qofka buuxin doonna booskaas & qaabka uu u wajahayo Dibadbaxayaasha Careysan.