Ra’iisul wasaare Xamse oo gaarey magaalada Laascaanood

0
9

Ra’iisul wasaare Xamse oo gaarey magaalada Laascaanood

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa goordhow gaarey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo ay boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ku soo dhaweeyeen.

 

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu gudaha Laascaanood kulamo kula yeesho Madaxda iyo Bulshada SSC Khaatumo.

 

Waxaa lagu wadaa in kulamadan looga hadlo xiriirka SSC Khaatumo iyo Dowladda Federaalka.

 

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic lagu horrumarinayo deegaannada maamulkaasi.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco