Ra’’iisul wasaare Rooble oo qiray in doorashada aysan u socon sidii la rabay

0
506

Ra’’iisul wasaare Rooble oo qiray in doorashada aysan u socon sidii la rabay

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qiray in doorashadu sida ay u socoto aanu ahayn habkii la rabay isaga oo ugu baaqay madaxda mamaul goballeedyada in doorashada la daadajiyo isla markaan aay fadhi ka yeeshaan.

“Doorashada waa waajib na wada saran, doorashada wey socotaa laakin sidii la rabay uma socoto, waxaan madaxda maamul-goboleedyada ugu baaqayaa in la dardar-geliyo fadhina aan ka yeelano sida ugu dhakhsiyaha badan shacabka Soomaaliyeedna aan u sheegno wakhti aan ku soo gebagayn.”Ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Ra”isul Wasaare Rooble oo xalay ka qeyb-galayay munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay jirto cabasho ku saabsan doorashada oo ka soo gaarta qaybo kala duwan isaga oo intaa raaciyay in ay arrintaa wax ka qabanayaan.

.

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here