Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay qaraxii lala beegsaday banaan bixii Addis Ababa

0
711

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay qaraxii lala beegsaday banaan bixii Addis Ababa

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka hadlay qarax bambaano oo lala beegsaday banaan bax ka socday Fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, isagoo si kulul u cambaareeyay falkaas.

 

 

Mr Abiy Ahmed ayaa qaraxa kaddib si toos uga hadlayay Telefishinka dowladda ee EBC, isagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa isku day aan lagu guuleysan oo ay ka dambeeyeen kooxo aan dooneyn inay arkaan Midnimada Itoobiya.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in tiro dad ah ay ku dhinteen qaraxa, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen waxaa uu shacabka dalkiisa ugu baaqay inay u midoobaan.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si degdeg ah loogala cararay goobta, kaddib markii uu qaraxa dhacay, waxaana goobta ka dhacay is buurasho.

 

 

Ka hor inta aanu qaraxa dhicin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku dhex jiray markii uu khudbeynayay muraayad u muuqatay kuwo aan xabada karin.

 

 

Sawirro ay baahiyeen warbaahinta maxaliga Itoobiya ayaa muujinayay goobta qaraxa oo dhiig iyo burbur ka muuqday, sidoo kale dad dhowr ah ayaa jiifay, waxaana gawaarida gurmadka degdega ay daabulayeen dhaawacyada

 

 

Laamaha ammaanka Itoobiya ayaa weli ka hadlin arrintan, sidoo kale si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

 

 

Kumanaanka isugu soo baxay banaan baxa fagaaraha Meskel Square ayaa taageerayay qorshaha is bedelka uu waday Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here