Qoysas asal ahaan kasoo jeeda Falastiin oo heysta Dhalashada Mareykanka oo dacwad la tiigsanaya Xukuumadda Biden.

0
82

Qoysas asal ahaan kasoo jeeda Falastiin oo heysta Dhalashada Mareykanka oo dacwad la tiigsanaya Xukuumadda Biden.

2 Qoys oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse haysta dhalashada labaad ee Mareykanka ayaa sheegay in ay dacwad la tiigsanayaan Xukuumadda Joe Biden sabab la xiriirta in ay qayb wayn ka qaadatay dhibaatooyinka ka dhanka xubno kamid ah qoyskooda oo Gaza ay ku dhibaateeyeen ciidanka Yuhuudda.

Qoysaskaan ayaa sheegay in xaalado adag oo bani aadamnimo in ay wajahayaan ehelkooda waxaana intaas u dheer in ay duqeyn xooggan ay ku hoobaneyso daqiiqad weliba halkaasina ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aad u badan.

Waxa ay sheegeen in xaalado aad u daran oo dhinaca caafimaadka iyo helitaanka waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha oo ay kamid tahay nabadgalyada iyo wax ay cunaan in aanay helin ehelkooda sidaas awgeed dacwad ay ka diyaariyeen xukuumadda Madaxweyne Joe Biden.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo damacsan in ay kiiskaan duugto ama ka dhigto waxba kama jiraan ayaa sheegtay in ay soo daabushay dad gaaraya 1,300 oo ruux oo haysta dhalashada Mareykanka oo Gaza ku go’doomay wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023.

Hadalkaas waxaa waxba kama jiraan ka dhigay qoysaskaan dacwadda soo oogaya waxaana ay waxba kama jiraan ka dhigeen dhammaan sheegashada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyaga oo carrabka ku adkeeyay in xaalado haddii si dhab ah loogu istaagi lahaa lagu guuleysan karay laga gaabiyay.

Maraykanka ayaa si toos ah u garab istaagay Israaiil waxaana uu siiyay hub iyo agab ciidan halka uu is hor istaag uu ku sameeyay kulan Golaha Ammaanka ay ku damacsanaayeen xabbad-joojin & in Xukuumadda Netanyahu cadaadis cagta-cagta loogu saaro.