Qof qaba cudurka Ebola oo laga helay xadka DRC Congo iyo Rwanda

0
453

Qof qaba cudurka Ebola oo laga helay xadka DRC Congo iyo Rwanda

Kiiskii labaad ee cudurka Ebola ayaa laga helay Magaalada Goma oo marin muhiim u ah isu socodka labada waddan ee DRC Congo iyo Rwanda.

Dalalka bartamaha qaaradda Afrika ayaa xiligan wajahaya cudurkii ugu xumaa ee faafa, kaas oo dilay inkabadan kun iyo toddob qof.

Sanad ayaa haatan laga joogaa markii lagu dhawaaqay in cudurkan uu jiro, waxaana laga cabsi qabaa in ku sii faafo dalalka gobolka.

Waxaa la fahansan yahay in bukaanka uu soo safray ilaa iyo boqol kilomitir, kahor inta uusan soo gaarin Magaalada Goma oo uu yimid laba asbuuc kahor. Hasayeeshee toddobadkii la soo dhaafay ayaa lagu arkau calaamadaha cudurkan.

Qofkan ayaa haatan lagu karantiilay xarun caafimaad oo loogu talo galay dadka qaba xanuunkan, waxaana kooxaha caafimmaadka ay ku daba jiraan qof la rumeesan yahay in uu la macaamilay qofka laga helay cudurkan, si ay u siiyaan daawooyinka tallaalka cudurkan.

Waa kiiskii labaad ee laga helo Magaalada Goma, mana cadda in labadan qof ay ehel yihiin.

Inkabadan hal milyan oo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku nool yihiin halka laga laga helay qofka qaba cudurkan, waxana in cudurkan laga hortaga ay muhiim u tahay Magaaladan oo ah mid ganacsi.

Hay’adaha caafimaadka adduunka ayaa in muddo ahba la tacaalayay cudurkan oo dad badan ku dilay qaaradda Afrika.

Dalka Uganda ayaa dhawaan la sheegay in laga helay qof qaba cudurkaas, inkastoo markii dambe dowladda Kenya ay beenisay in qof qaba cudurkaas uu usoo gudbay gudaha dalkeeda.

Dalalk ku yaala galbeedka Afrika oo ay ka mid yihiin Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone uu horay uga dilaacay.

Cudurka Ebola ayaa horay ugu faafay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,waxaana la weeraray lana dilay shaqaalaha caafimaadka islamarkana dadka deegaanka waxaay shaki ka qabaan hay’adaha gargaarka ee ajnabiga ah.

Tan iyo inti uu cudurka Ebola ka dilaacay Congo waxaa ku dhintay dad badan.

Khariidad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here