Qatar oo maanta Dimishiq dib uga furaneysa Safaaraddeeda
Dowladda Carbeed ee Qatar ayaa maanta dib u furaneysa safaaraddeeda Magaalada Dimishiq ee Caasimadda Suuriya kaddib markii ay kamid noqotay Dalalkii albaabada isugu dhuftay qalalaasadaha dalkaas soo maray dartood.
Xukuumadda Dooxa ayaa tilmaamtay in ay ka shaqeyneyso isla maanta oo Talaado ah sidii howlaha safaaradda Dimishiq dib uga billaaban lahaayeen maadaama isbaddel xasiloon uu ka dhacay Dalkaas carbeed ee Suuriya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegtay in ay indhaha la raacday dhammaan xaaladaha ku gedaaman isbaddelka ka dhacay Dalka Suuriya una soo baxday in dib loo furo Safaaradda oo cabsi darteed markii hore loo xiray.
Qatar waxa ay kamid tahay Dalalka Carbeed ee saameynta ku leh Dalalka kale ee Xasaradaha ka jiraan, waddankaan dhaqaalaha badan heysta ayaa horay ugu dhiirraday in Dalka Afgaanistaan uu dib uga furto safaaraddiisa kaddib markii Taliban ay qabsatay.