Qardho: Daadad xooggan oo ka dhashay Roob ka da’ay Gobolka Bari oo sababay Khasaaro Maaliyadeed.

0
287

Qardho: Daadad xooggan oo ka dhashay Roob ka da’ay Gobolka Bari oo sababay Khasaaro Maaliyadeed.

Roob Daadad xooggan dhaliyay ayaa ka da’ay Magaalada Qardho ee Gobolka Bari DG Puntland, waxa uu sababay khasaaro maaliyadeed sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka & mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmadaas.

Qaar kamid ah Waddooyinka Qardho waxaa burburiyay Daadka Roobka, halka qoysaska degen guryaha aanay awoodin ay iska difaacaan Daadadka ay isaga baxeen qoysaskii degenaa si aanay waxyeello usoo gaarin haddii ay dumaan.

Biyaha Xareedda ayaa ka sare maray Guryaha iyo gaadiidka qaar, xaafadaha & goobaha Ganacsiga ayaa laga sameeyay difaacyo looga leexinayo Daadadka socday si aanay u qaadin ama ugu yaraan u burburin.

Gawaarida qaar gaar ahaan kuwa yar yar waxaa laga saaray Dadkii la socday kaddib markii ay dameen, halka Daadka uu ka sare-maray, daadadka ayaa Degmada Qardho uga yimid Deegaanka Carmo Higlo.

Dowladda Hoose ee Qardho ayaa billawday in ay raad-raacdo marinada Biyaha si ay isugu tagaan meelaha Togga ah oo loogu talagalay in ay ku hooraan halkii ay jari lahaayeen isu socodka waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here