Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

0
558

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo qaraxa ahaa mid ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Koontarool Ciidamada NISA ku lahaayeen.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan, iyadoo rasaas culus ay is qabsatay.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa ku dhow Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir Ex Godka Jilacow, waxaana xaruntaas ka horeeyay dhowr koontarool oo ay leeyihiin Ciidamada NISA.

Qaraxan saaka oo Arbaco ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii 3aad oo loo adeegsado gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo todobaad ka hor qarax ismiidaamin uu ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley iyo qarax baabuur loo adeegsaday oo habeen ka hor ka dhacay agagaarka Barxada iskaashatooyinka oo ku dhow Taalada SYL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here