Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

0
424

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan meel ku dhaw warshadihii hore ee Coca Cola, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Hilux ay la socdeeen ciidamo katirsan dowlada oo xiligaasi marayay goobta lagu sii diyaariyay qaraxa miino.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay darawalkii waday gaariga qaraxa lala eegtay halka uu ku dhaawacmay askari la socday gaarigaasi, lamana sheegin wax khasaaro ah oo dad shacab ah kasoo gaaray qaraxaasi.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ciidanka iyo kuwa la tuhmayo in ay wataan masuuliyiin dowlada katirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here