Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday in uu joogsaday gargaarkii yaraa ee u gudbayay Magaalada Gaza.

0
57

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in uu joogsaday gargaarkii bani aadamnimo ee u gudbayay dhinaca Magaalada Gaza oo markii horay aad u yaraa marka la eego Dadka u baahan iyo sida loo kala gaarsiiyo.

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in ururrada samafalku ay ku dedaalayaan sidii ay u qaybin lahaayeen gargaarka bani aadamnimo balse culayska jira uu yahay in ay Israaiil jirtay marinnadii la marayay.

Farxaan ayaa intaas ku daray in gargaarka bani aadamnimo la heli karo laakiin aanay fududeyn in la helo marinkii laga gudbin lahaa maadaama Ciidanka Israaiil ay joojiyeen in gargaarkaas loo gudbiyo Dadka u baahan ee dhibaataysan.

Marinada ama waddooyinka muhiimka ah waxaa aad looga cabsanayaa dhinaca amni ahaan oo waxa uu qiray Farxaan Xaq in colaadda ka taagan Magaalada Gaza ay ka halis badan tahay cunno la’anta ka jirta Magaaladaas.

Qaramada Midoobay ayaa si xooggan u cambaaraysay shaqaale kamid ah howlwadeennadeena oo qaabilsan dhinaca amniga oo la dilay waxaana beegsaday ciidanka Israaiil inkasta oo baaris madaxbannaan ay dalbatay.