Qaar Ka Kamid Ah Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran Saaka
Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dad weynha, waxaana la arkayaa dadka shacabka ah oo waddooyinka lugaynaya Xili waddooyinku ay yihiin kuwo Xiran.
Shacxabka aya saaka kusoo waaberistay waddooyinka oo xiran iyo Ciidamo aad u farabadan iyo Gaadiid lasoo dhoobay waddooyinka, waxaana Ciidamadu ay waddooyinka ka celinayaaa gaadiidka dad weynaha.
Waddooyinka Xiran oo ah kuwo muhiim ah, ayaa sawiro laga soo qaaday waxaa ay muujinayaa dad weyne ay ku jiraan haween iyo carruur oo lugeynaya, waxaana sidoo kale la ogolyn mootada Bajaajta oo inta badan waddooyinka qaar loo fasixi jiray.
Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka xooga, Sheekh Cali Suufi, Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4) iyo waddooyin kale oo muhiim u ah isku socodka guud ee caasimadda.
Ilaa iyo hadda lamaha ammaanku ma shaacin sababaha rasmiga ah ee ay u xireen waddooyinkaan halbowlaha u ah isku socodka dad weynaha, waxaana la ogayn ilaa iyo inta ay sii xirnaan doonaan.