Putland oo beenisay war kasoo baxay hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya
Maamulka Puntland ayaa si cad u beeniyay war kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya (SODMA), kaasoo sheegayay in magaalada Boosaaso ay hay’addu gaarsiisay 200 tan oo gargaar raashin ah oo loogu talagalay dadka deegaanka.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Xirsi, ayaa sheegtay in aysan jirin wax raashin ah oo uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Ubax ayaa tilmaamtay in Puntland ay horay u go’aansatay in si gaar ah loogu qoondeeyo gargaarka ka imaanaya caalamka, iyadoo aan loo soo marsiin dowladda Federaalka Soomaaliya.