Puntland oo sheegtay inay fashilisay weerar xooggan oo ay kooxda Daacish kusoo qaadday ciidamada Puntland
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la sheegay inay fashliyeen weerar ku bilowday qaraxyo oo ay kooxda Daacish xalay saqdii dhexe kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Haraaya ee togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.
Bogga lagu soo gudbiyo macluumaadka howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish ayaa lagusoo bandhigay maydadka dagaalamayaasha kooxda Daacish, kuwaas oo lagu dilay dagaalka iyo kuwa isqarxiyay.