Puntland: “Madaxweyne Biixi Cidda La Dagaallameysa Waa Kuwii Uu Dulmiyay”

0
158

Puntland: “Madaxweyne Biixi Cidda La Dagaallameysa Waa Kuwii Uu Dulmiyay”

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu Shawaaqaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa in Puntland ay qayb ka tahay colaadda muddaba ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad sanadeed uu shalay ujeedinayay baarlamaanka Somaliland.

Halkan ka dhegeyso wareysiga wasiirka warfaafinta Puntland:
Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa BBC-da u sheegay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi waxaana dhankiisii uu ku eedeyay Madaxweyne Biixi in ay dadka la dagaallamaya ay yihiin kuwiii uu dulmiyay waa sida uu hadalka u dhigaye, mana ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac waa Puntland iyo Soomaaliland ay hadallo caynkaan kale ah warbaahinta isku mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here