Pakistan oo sheegtay in ay diyaar u tahay ka jawaabida weerarkasta oo uga yimaada Hindiya
Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa sheegay in weerar militari oo ka yimaada dalka dariska la ah ee India ay ka jawaabi doonaan.
Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday kadib weerarkii dhimashada badan sababay ee lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa Kashmir toddobaadkii hore.
Weerarka, oo sababay geerida 26 qof, ayaa horseeday in xiisadda labada dal ay sare u kacdo.
India ayaa si joogto ah ugu eedeysa Pakistan inay taageerto kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gobolka Kashmir oo labada dal ay isku hayaan, isla markaana horey laba jeer dagaal ugu dhexmaray.
Wasiirka Arrimaha dibadda Pakistan wuxuu intaas ku daray in hadallada hanjabaadda ah ee ka imanaya India ay sababi karaan dagaal ay la galaan dalkaasi.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca India ayaan weli ka jawaabin eedeynta Pakistan.
Kadib weerarkii ka dhacay Kashmir, India ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka geystay ay ahaayeen Pakistaniyiin. Pakistan ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, waxayna dalbatay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdada.