Ololaha Doorashada ee Xisbiyada Somaliland oo billowday

0
9

Ololaha Doorashada ee Xisbiyada Somaliland oo billowday

Waxaa maanta billowday ololaha Doorashada ee Xisbiyada Somaliland iyada oo lagu daahfuray Urur Siyaasadeedka Barwaaqo sida ku xusan jadwalka qori tuurka ahaa ee Guddiga Doorashooyinka  uu u sameeyay Xisbiyada iyo Ururrada.

Bandhigga Ururka Barwaaqo waa kan ka tarjumaya awoodda uu u leeyahay helista codbixinta Dadweynaha diiwaangashan, waxa uu kamid yahay ururrada siyaasadeed ee codadkooda kula shirkoobaya Xisbiga isbaddel doonka ee Waddani.

Waxa uu taageero badan ka heystaa Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, tani waxa ay ka dhigtay in uu noqdo Madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay oo taageera Mucaaradka Isbaddel doonka ah.

Xisbi weliba waxa uu heystaa muddo 2 cisho ah si uu soo bandhigo taageerayaasha uu ka heysto Gobollada, Degmooyinka iyo tuulooyinka si uu ugu tashto marka la gaaro bartamaha bisha soo socota Nofeembar oo ah waqtiga la codeynayo.

Urur badan oo aan lahayn awood firfircoon oo ku hoggaamin karta inay isusoo taagaan doorashada guud ayaa heshiis la galay Ururrada kale ee ku loolami kara tartanka si ay isku isbahaystaan codadkoodana isugu darsadaan.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saddex digreeto uu soosaaray ku sheegay in aanay la adeegsan karin Hantida Dadweynaha ee gacanta maamulkiisa ku jirta, in loo sinnaado Warbaahinta dhammaan Xisbiyada & in la ilaaliyo nidaamka.

La soco wixii kasoo kordha