Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalashadeeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil

0
487

Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalashadeeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil

Dawladda Norway ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay muwaadin reer Somaliland ah oo dhalasheeda haysta oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway Ragnhild Simenstad ayaa Warbaahinta Norway Today u sheegay in Wakiilka Somaliland ee Norway doonayaan inuu ballan deg-deg ah uga sameeyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, si uu ugala hadlo Muwaadinkan u dhashay Norway.

Ninkan u dhashay Norway oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil, ayaa lagu eedeeyay inuu sannadkan gudihiisa nin ku dilay Magaalada Hargeysa.

Gar-yaqaan u doodaya Ninkan Farid Bouras ayaa sheegay inuu xidhiidh la soo sameeyay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) โ€œWaan la hadlay Wasiirka, waxaanu sheegay inaanu xukun kama dambaysa ahayn in Ninkan eedaysanaha la dili doono Maalmaha soo socda, Xukunku maaha kii u dambeeyay ayuu igu yidhi..โ€

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here