Niger oo lagu dilay 29 ka tirsan ciidamada dalkaas

0
130

Wasiirka difaaca dalka Niger ayaa sheegay in 29 ka tirsan ciidamada dalkiisa lagu dilay weerar la tuhunsanyahay in ay gaysteen kooxo jihaad doon ah oo ka dhacay galbeedka dalkaas.

Waa weerarkii ugu horreyay oo noociisa ah tan iyo markii ciidamadu afgambiga kula wareegeen xukunkadabayaaqadii bishii Juulay ee sanadkaan.

War telefishinka laga sii daayay ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay bartilmaameedsadeen in ka badan boqol ka tirsan mitidiinta kuwaas oo isticmaalayay hub qaraxyo ay ka mid yhiin .

Waxaa kordhay weerarada kooxaha jihaadiyiinta ah tan iyo markii milatarigu ay la wareegeen awoodda, iyagoo xilligaas sheegay in ay wax ka qabanayaan dagaalka kooxahan sidaasna ay u sameeyeen afgambiga.

Isha: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here