Guddigii Nabadaynta Oo Muddo Dhaqaale La’aan Ugu Xanibnaa Hargeysa Oo Gaadhay Ceel-afweyn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
1151

Guddigii Nabadaynta Oo Muddo Dhaqaale La’aan Ugu Xanibnaa Hargeysa Oo Gaadhay Ceel-afweyn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Guddigii culimada ahaa ee nabadaynta Ceel-afweyn ayaa waxa ay goor dhawayd gaadheen magaalada Ceel-afweyn, sidoo kale waxa dhawaan la filayaan inay deegaanka gaadhaan ergooyinkii beeluhu.

Guddiga nabadaynta Ceel-afweyn ayaa in muddo ah u xanibnaa dhaqaale la’aan sida uu sheegay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan ka qayb-qaatay Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Somaliland ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “illaa maanta guddigii culimada waxa ay la bixi laadahay dhaqaale la’aan, balaayo afka laga dhawro, in ummad dhan nabad-galyadooda dadkii ka shaqaynayay ay dhaqaale la’aan u bixi waayaan waa ayaan-darro meesha taalla” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa galabta gaadhay degmada Ceel-afweyn ayaa la filayaa inay toos u bilaabaan hawlihii qabyada ahaa iyo inay dadkii u kala xaqaan

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here