Netanyahu oo Xisbigiisa u sheegay in uu sii wadayo Dagaalka Gaza ka socda.

0
87

Netanyahu oo Xisbigiisa u sheegay in uu sii wadayo Dagaalka Gaza ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalka ka socda Magaalada Gaza uu galayo maalmo kale iyo waa cusub oo ay ku doonayaan in ay kusii xoojiyaan dagaalladaas & duqaymaha is barbar socda.

Hadalkaan waxa uu u sheegay xubno ay isku xisbi yihiin oo katirsan Likud waxaana uu ciidamada Yuhuudda faray in ay wax ka baddelaan qorshaha culayska badan geliyay ee dagaalka waqti dheeraaday ee ka socda Magaalada Gaza.

Netanyahu oo dareemaya culayska uga imaanaya dhinaca ehelka dadkooda ay haystaan dhinacyada wax iska caabbinta Falastiin isla markaana wada dibadbaxyo ka dhan ah Xukuumaddiisa ayaa markaan ku goodinaya in uu dagaalka sii socon doonno.

Go’aankaan waxa uu jiho kale u wareejinayaa rajadii laga qabay in wadahadal markale ay isugu yimaadaan Xamaas & Israaiil si ay uga wadaxaajoodaan Xabbad-joojin dhaqangalkeeda suuragelin karta maxaabiis is dhaafsi.

Yuhuudda ayaa ku kala qaybsan dagaalka Magaalada Gaza, Wasiirro katirsan Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa soo jeediyay in xabbadda la joojiyo oo dhabbaha wadahadalka xoogga la saaro halka qayb kale ay diidan tahay wadahadalkaas iyada oo doorbidaysa sii socoshada dagaallada.