Netanyahu oo mar kale ku hanjabay in sannad kaddib dagaalka Qaza iyo kuwo la mid ahi sii socon doonaan.

0
45

Netanyahu oo mar kale ku hanjabay in sannad kaddib dagaalka Qaza iyo kuwo la mid ahi sii socon doonaan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku tilmaamay ololaha milateri EE socday muddo sannad ah inuu yahay howlgal muqaddas ah oo sii socon doona ilaa iyo inta uu jiritaankooda khatar ku jiro.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gaza, Lubnaan iyo meelaha kale ee gobolka ay tahay inaan la joojin — waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uuna sheegay in weli uu qabyo yahay dagaalkaasi.

Hadalkan ayuu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay taleefishinka dalkaasi gabagabada xuska sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Waxaa jira duqeymo kale oo dhanka cirka ah oo lagu qaaday bartilmaameedyada Xisbullah ee ku yaala caasimadda Lubnaan ee Beyruut.

Dhinacooda, kooxda ay taageerto Iran ayaa in ka badan boqol gantaal ku riday Israa’iil Isniintii. Inta badan waxay Israa’iil sheegtay in la qabtay gantaalkaas.