Wednesday, November 25, 2026
Home WARAR NATO oo ka digtay qorshe la sheegay in Ruushku ku dirayo dayax-gacmeed...

NATO oo ka digtay qorshe la sheegay in Ruushku ku dirayo dayax-gacmeed hub nukliyeer ku rakiban yahay

0
36

NATO oo ka digtay qorshe la sheegay in Ruushku ku dirayo dayax-gacmeed hub nukliyeer ku rakiban yahay

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte, ayaa sheegay in isbahaysigu iska difaaci doono khatar kasta oo ka iman karta hawada sare, kaddib warar sheegaya in Ruushku qorsheynayo inuu hawada sare u diro dayax-gacmeed ku hubaysan hub nukliyeer ah.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Jarmalka, dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa horraantii bishan la wadaagay xog sirdoon oo ku saabsan suurtagalnimada in Ruushku 60-ka maalmood ee soo socda hawada sare u diro dayax-gacmeedkaas. Hase yeeshee, lama oga dalka bixiyay xogtaasi.

Markii wax laga weydiiyay wararkan, Mark Rutte ayaa yiri:“Waxaan mar walba hubin doonnaa inaan difaacno qayb kasta oo ka mid ah dhulka NATO, taasna waxaa ku jira ilaalinta amnigeenna la xiriira hawada sare.”

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa isaguna sheegay inuusan wax war ah ka hayn arrintaasi, isaga oo intaas ku daray inaan fiiro gaar ah la siin karin wararka ka imanaya ilo aan la magacaabin.

Safaaradda Ruushka ee magaalada Berlin ayaa warbaahinta Jarmalka u sheegtay inay diiddan tahay waxa ay ku tilmaantay “eedeymo aan sal iyo raad lahayn”, iyadoo wararkaas ku tilmaantay dacaayad.