Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ku baaqay in la garab istaago dagaalka Sacuudiga uu kula jiro Xuutiga
War kasoo baxay Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay garab istaag loo sameeyi Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dagaal kala soo horjeeda Kooxda Xuutiga ah ee fadhigeedu yahay Dalka Yemen.
Golaha Isbahaysiga Khaliijka ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay garab istaagto Madaxbanaanida Sacuudi Carabiya isla markaana laga dhiidhiyo duqeymaha Xuutiga ay ku beegsanayaan qaybo kala duwan oo dalkaas an sida hadalka loo dhigay.
GCC ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo Xuutiyiinta oo khasaara naf iyo mid maaliyadeed u gaystay Dalalka Khaliijka Carabta gaar ahaan Sacuudiga oo dhibane daran u noqday weerarrada ay kooxahaas ka fuliyeen gudaha Dalkaas.
Baaqan ayaa muujinaya mowqifka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ku aaddan amniga gobolka iyo taageerada uu u hayo Sacuudiga, xilli ay weli jiraan xiisado amni iyo siyaasadeed oo saameyn taban u yeelatay ka jira Bariga Dhexe.






















