MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo xeer Madaxweyne kusoo saaray Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka & Soohdimaha

0
32

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo xeer Madaxweyne kusoo saaray Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka & Soohdimaha

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne kusoo saaray Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha taas oo horay u ansixiyeen Laamaha Fulinta iyo Xeer Dejinta Dowladda Federaalka.

Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 18 xubnood ayaa isla maanta ku dooranaya Guddoomiye, ku xigeenkiisa & Xoghaye si uu u billaabo howlaha horyaalla sida in uu dalka ka qabto Doorasho Qof iyo Cod ah.

Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka & Soohdimaha Qaranka waxa uu Baarlamaanka 11aad ee JFS u ansixiyay xeerarka muhiimka u ah Xisbiyada, Ururrada iyo Doorashooyinka Dadweyne ee Qof iyo codka ah.