MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Saraakiil lagu tababaray Ballidoogle

0
41

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Saraakiil lagu tababaray Ballidoogle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiraya Saraakiil lagu tababaray Xero ku taalla Garoonka Diyaaradaha ee Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Ballidoogle Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Garoonka Diyaardaha ee Ballidoogle, waxaana la diyaariyay munaasabadda lagu abaalmarinayo Saraakiisha cusub ee tababarka dhammeysatay.

Saraakiishaan cusub waxaa tababarka siiyay macallimiin isugu jirta Soomaali iyo kuwo Maraykan ah oo gacan ku haya taakulada ay u baahan yihiin ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB iyo saraakiisha hoggaamineysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay kordhinta Ciidamada Qalabka sida maadaama ay isku diyaarineyso in mustaqbalka dhow ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga Dalka iyada oo si tartiib-tartiib ah loo dhimay Ciidanka ATMIS.

La soco wixii kasoo kordha