MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Muqdisho ka Daahfuraya Shir weynaha qorshaha qaranka

0
30

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Muqdisho ka Daahfuraya Shir weynaha qorshaha qaranka

Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu daah-furo shirweynaha qorsheynta qaranka ee soconayo muddo lex todobaad ah sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaas Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo waxaa kamid ah la jaanqaadka hannaanka casriga ah ee Caalamka uu ku dhaqaaqay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu uga hadlayo faa’iidada Soomaaliya ka heleyso hannaankaan jeedin doonna.

Muddada uu socdo shirkaan waxaa ka qaybgeli doonna Madaxda sare Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, Wakiilo ka kala socota Beesha Caalamka iyo marti kale oo dhammaan doorkooda ka qaadan doonna talo is dhaafsiga jiri doonno.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa sheegay in diiradda la saarayo arrimaha Dhaqaalaha, Bulshada sida horumarinta Waxbarashada, Maalgashiga & qodobo kale.

“Muqdisho waxaa ka furmaya shirka qorsheynta qaranka oo aan kusoo kordhinay waxyaabo cusub si aan horumar uga gaarno, waxaa diiradda saari doonnaa sida waxbarashada, Maalgelinta & kuwo kale, waxa aan madal isugu keenni doonnaa dadka ehelka u ah xal u helista xaaladahaas” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

La soco wixii kasoo kordha