MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud: “Dowladda Itoobiya boggii taariikhda aan laabtay dhowr & soddon sano kahor ayay dib usoo rogtay”.

0
59

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud: “Dowladda Itoobiya boggii taariikhda aan laabtay dhowr & soddon sano kahor ayay dib usoo rogtay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Itoobiya ku dhaliilay in ay dib usoo rogtay boggii Taariikhda colaadda Soomaaliya ee dhowr iyo soddonka sano kahor la laabay iyada oo kordhisay xadgudubka ay gaysanayso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dhabbaha ay hayso Itoobiya aanay muujineen nabad & in darisnimo la isku xushmeeyo waxaana uu guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in arrintaan wadajir loogu wada-istaago.

Xadgudubka Itoobiya ay kordhisay ayuu ku sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay kamid tahay in jidadka ay la taagan tahay calanka Somaliland iyada oo ku doodaysa in ay kala madaxbannaan yihiin Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

“Nasiib darro maanta waxaa dhacday in Dowladda Itoobiya boggii taariikhda aan laabtay dhowr & soddon sano kahor ay dib usoo rogto oo jidadka ay la taagan tahay Somaliland way madaxbannaan tahay berri kuwo kale ayay ku doodeen, Balaayo geesa la qabto ayay leedahay ee dib ama seen la qabto malahan, dhaqanka maanta kasoo muuqda Itoobiya waa balaayo ee aan geesaha ka qabano ” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in inta uu nool yahay qof Soomaali ah in aanay Itoobiya u suuragalayn in taako kamid ah ay qaadato, wixii ka dhasha tallaabooyin aan la mahdin ee Itoobiya ayuu sheegay in ay dusha saaran doonto.