MW Geelle Oo Guddoonsiiyey MW Xasan Sheekh Billada Ugu Sarreysa Ee Jabuuti Bixiso

0
287

MW Geelle Oo Guddoonsiiyey MW Xasan Sheekh Billada Ugu Sarreysa Ee Jabuuti Bixiso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay casho sharaf si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tegay dalka, wuxuuna Madaxweynaha kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here