Muxuu yahay ninka Soomaaliga ah ee Booliska UK ay raadinayaan?

0
400

Muxuu yahay ninka Soomaaliga ah ee Booliska UK ay raadinayaan?

Shariif oo kasoo jeeday xaafadda Nechells ee magaalada Birmingham, ayaa isagoo dhaawac culus qaba Jimcadii oo taariikhdu ahayd 10-kii December laga helay xaafadda Small Heath, wax yar kaddibna isla goobtii ayuu ku geeriyooday.

Ciidanka booliska ee ka horl gala West Midlands ayaa sheegay inay doonayaan in ay la hadlaan Cabdiraxmaan Yuusuf, oo 19 jir ah, kaasoo isagana kasoo jeeda xaafadda South Yardley ee magaalada Birmingham. Ninkan dhallinyarada ah ayaa wax laga weydiin doonaa geerida Shariif, oo la sheegayo in uu ku lug lahaa.

Dambi baareyaasha ayaa sheegay inay shacabka ka doonayaan caawinaad “deg deg ah”, si ay garab uga siiyaan soo qabashada Cabdiraxmaan Yuusuf.

Bayaan ay soo saareen taliska booliska ayay ku dhaheen: “Qoys ayaa waayay qof ay jeclaayeen, jawaab ayayna rabaan. Waxay dambi baareyaasheennu diyaar u yihiin in ay la hadlaan Mr Yuufus, arrintanna si dhakhso ah ula tacaalaan.”

Qof walba oo wax ka og meesha uu ku sugan yahay Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa lagu boorriyay inuu waco lambarka booliska ee 999.

Yahya Sharif ayaa isagoo dhaawac liita ah laga helay waddo ku taalla Small Heath

Dhanka kale, nin kale ayaa dacwad loogu soo oogay sababo la xiriira dilka Mr Shariif, sida ay sheegeen saraakiisha booliska West Midlands.

Maxamed Cabdulkariim, oo 18 jir ah, kasoo jeeda xaafadda Deykin Avenue oo ka tirsan Witton, ayaa la filayaa inuu maxkamadda kasoo hor muuqdo maal.inta Isniinta ah

Intaas ka hor, Cabdullaahi Cabdi, oo 19 jir ah, kana soo jeeda xaafadda Queenstown ee magaalada London, ayaa isagana dacwad loogu soo oogay dilka Yaxye Shariif.

Ninkaas dhallinyarada ah ayaa wali ku jira gacanta booliska, waxaana lagu wadaa inuu hor tago garsooreyaasha maxkamadda Birmingham, dhageysiga dacwaddiisana waxay sidoo kale billaaban doontaa maalinta Isniinta ah.

Khamiistii ayaa booliska loo fasaxay inay saldhigga kusii hayaan ninkaas, ilaa laga gaarayo waqtiga ay furmeyso maxkamadda.

Yaxye ayaa lagu soo warramay in lagu tooriyeeyay waddada dhexdeeda, ilaa haddana lama oga sababaha loo dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here