Muuse Biixi Cabdi “Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Jabhad ku uruuriyay Gacan Libaax”

0
18

Muuse Biixi Cabdi “Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Jabhad ku uruuriyay Gacan Libaax”

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad taageero raadin ah ka jeediyay Magaalada Burco ayaa shacabka codeynaya Bisha soo socota ka codsaday in ay codka siiyaan si uu markale u hoggaamiyo.

Muuse Biixi ayaa weerar toos ah ku qaaday musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Xisbigiisa ee Waddani, waxaana uu ku eedeeyay in uu diyaariyay jabhado hubeysan si uu qalalaase u billaabo sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasadda Xisbiga Waddani ayuu Muuse Biixi sheegay in uu kala furfurayo danaha Maamulka Somaliland, waxaana uu ku faanay in uu marar badan gacanta ka qabtay dhibaatooyin uu ku naafeyn rabay Maamulkaas si uu yiri.

“Siyaasadda Xisbiga Waddani waxaa ka buuxa Nacayb uu u qabo in Somaliland hirgasho, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ciidan geliyay buurta Gacan Libaax, waa qaran dumis, Xisbiga Waddani waxa uu billaabay in uu rabshado ka shaqeeyo” Muuse Biixi Cabdi.

Deegaannada Maamulka Somaliland waxaa ka socda ololaha Doorashada ee Saddexda Xisbi ugu weyn ee kala ah Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo UCID oo mucaarad ah, waxaa jira Ururro Siyaasadeed oo Xisbiyadaan kala raacaya marka la gaaro waqtiga codbixinta.