Munaasabadda xiritaanka Shirka Dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb oo la diiday in toos loo tabiyo

0
419

Munaasabadda xiritaanka Shirka Dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb oo la diiday in toos loo tabiyo

Munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ayaa caawa ka socota magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu si rasmi ah u soo xiri doono Madaxweyne Farmaajo oo maanta gaaray magaaladaas.

Shirweynaha Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo 5-tii bishan uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo 10 cisho ah socday, waxaana Ergooyinka ka qeyb galaya ay ka yeesheen doodo kala duwan oo la xiriiray sida dadka ka soo jeeda Galmudug maamul ay u dhan yihiin u yeelan lahaayeen, in laga heshiiyo wixii dhib ee kala gaaray.

Hase ahaatee qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka uu u socday shirkaas, kuna tilmaameen inuu yahay Siminaar oo kale, maadaama 10 cisho aanay ku filneyn dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug, ayna u baahan tahay in waqti la siiyo beelaha dhexdooda inay si hoose u dhaqaan wixii dhib ee kala gaaray.

Munaasabadda xiritaanka ee caawa socota ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Galmudug ee waqtigiisa dhamaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo maanta dib ugu laabtay Dhuusamareeb bilo kaddib, isagoo la socday Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha iyo ergooyinka kala matalaya beelaha

Dhinaca kale waxaa gebi ahaanba la joojiyay in si toos loo tabiyo Telefishinadana laga daawado Munaasabadda xiritaanka Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana tallaabadan ka dambeysay markii Guddiga qaban qaabada ay diideen in si toos ah loo tabiyo munaasabadda, ayna ka soo qeyb galaan warbaahinta madaxa bannaan.

Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda xiritaanka inay jeediyaan khudbado xasaasi ah ama hadalo xanaf ah ku hadlaan, inta ay socoto Tabinta tooska ah, maadaama ay jiraan odayaal qaar oo ashtako ka qaba hannaanka wax loo waday.

Munaasabaddii furitaanka aheyd ee Shirka Dib u heshiisiinta ee uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si toos ah loo tabinayay, lagana daawanayay Telefishinada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here