Mucaaradka Liibiya oo sii daayay Muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga

0
505

Mucaaradka Liibiya oo sii daayay Muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga

Maleeshiyada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ee ku sugan bariga Liibiya ayaa sii daayay lix muwaadin oo u dhashay Turkiga, sida laga soo xigtay wasaarada arimaha dibada Turkiga.

Sii deynta maxaabiistan ayaa ku soo aadeysa maalin kadib markii dowlada Turkiga ay ku hanjabtay in ay gacanta ula tagi doonto maleeshiyada ku sugan magaalada Bengazi kuwaasi oo maalmo ka hor lagu amray in ay beegsadaan danaha Turkiga ee dalka Liibiya.

Dhamaan raga la sii daayay ayaa ka dhoofay madaarka Sidr ku yaal koonfurta magaalada Benghazi waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Shaqaalahaan ayaa markii hore ka shaqeynayay markab uu leeyahay muwaadin u dhashay dalka Liibiya.

Muwaadiniinta u dhashay Turkiga ayaa markii hore uu ku eedeyay Jenaraal Khaliifa Haftar in ay yihiin ciidan taageero u ah dowlada Liibiya, balse waxaa arintaan beeniyay wasaarada difaaca Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa mudo 72 saac ah u qabtay in lagu sii daayo muwaadiniintaan hadii kale ay beegsan doonaan xarumaha milatari oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here